Dagaalo culus ayaa saakay aroortii ilaa iyo haatan ka socdo magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeya mucaaradka iyo dowlada.
Dagaalada oo ah kuwo aad u culus ayaa waxa ay ka socdaan qeybo ka mid ah degmooyinka Shibis iyo C/casiis ee Waqooyiga magaalada Muqdisho iyadoo dagaalada ay bar bar socdaan madaafiic culus oo ku hoobaneya goobaha dagaaladu ka socdaan iyo weliba meelo ka baxsan.
Sida ay xaqijinayaan dad goob joogayaal ah, dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka socdaa agagaarka Hotel Global iyo duleedka bari ee degmada C/casiis waxaana soo baxaya warar sheegaya in ay horay u soo sikadeen kooxaha mucaaradka.
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaalada oo wali ka socdo goobihi ay ka bilowdeen, sida ay sheegayaan wararka waxaa jira qasaare soo kala gaaray labada dhinac hase yeeshee ma cada wali inta uu gaarsiisan yahay.
Dadka fara ku tiriska ahaa ee ku noolaa degmooyinka Shibis iyo C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa ka cararay oo cagahooda kaga soo baxsaday dagaalka in kastoo ay jiraan qaar iyagu ka soo bixi waayey goobta.
Ma jirto cid ka hadashay dagaalka oo ah labada dhinac ee ay dirirtu u dhaxeyso waxaase laga yaabaa in ay saxaafada war siiyaan.
no comments available
POST A COMMENT
gallery




























