News
Garisa

Garisa

Ciidamada Kenya oo qabqabtay dhalinyaro Soomaali ah

Wararka aynu ka helayo xadka ay wadaagaan dalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku waramaya in la qabqabtay dhalinayaro Soomali ah oo doonayey in ay ka talaabaan xadka soomaliya iyo Kenya oo ay gudaha u galaan dalka Kenya.


Xasan C/qadir oo ka mid ah Dhalinyarada Magalada Garisa oo la soo xariiray DunidaOnline ayaa tirada la xirxiray ku sheegay 20 ruux oo dhalinyaro ah islamarkaana ciidamada Kenyaanka ah ee jooga xaduuda soomaliya iyo Kenya gacanta ay ku dhigeen ka dibna ay ku gudbiyeen xabsi ku yaala Magaalada gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya.


Sababaha ka danbeeysay in dhalinyaradaani xabsiga la dhigo ayaa waxa uu ku sheegay Mr Xasan in ay danbeysay markii ay isku dayeen in si sharci daro ah dalka Kenya ku galaan ,waxaana la sheegayaa in dhalinyarada sigaar ah ciidamada Kenya ay u bartilmaameedsadeeen.


Dowlada Kenya ayaa marsii horeeysay shaacisay in ay adkeeyneyso amaanka xaduuda ay la wadagto Soomaaliya si dalkeeda aysan u ugu alaabin shaqsiyaad ka tirsan AL Shabaab.




COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]