News
08.01.2013 comments (10)
Bosaaso

Bosaaso

LIVE-Munasabad lagu soo bandhigay waxqabadka xukumada Puntland oo soo dhamaatay

Waxaa goor dhaway si too sh magalada Bosaso uga bilowday gaar ahaan xarunta madaxtooyada Puntland xafladii lagu soo bandhigayay waxyaabihii u qabsoomay xukumada Puntland ee Soomaaliyeed ,waxaana goob joog ah madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad ,gollayaasha dowlada,Isimo,waxgarad,masuuliyiin kale ,iyo haween.


Waxaa hada si toos ah i bilaabatay khudbadaha furitaanka iyo Soo jeedinta cabsida alle,waxaana hadlaya Shiikh Axmad oo ka mid ah culimadii xaflada lagu caasumay,wuxuna sheegay masuuliyiinta Dowlada Puntland in looga baahan yahay sidii looga wada shaqayn lahaa amniga iyo kala danbaynta Puntland.


Shiikh Axmad waxa uu si aad ah ugu dheeraaday inay muhiim tahay sidii looga wada shaqayn lahaa amniga iyo wanaagsan Puntland,waalidiinta ayuu ugu baaqay inay dhalaankoda ku baraarujiyaan ilaalinta amniga.


Waxaa hada soo istaagay oo hadal kooban soo jeedinaya wasiiru dowlaha mamul wanaagsan Puntland Maxama Faarax Ciise Gaashaan.wuxuna wax yar ka hadlayaa waxyaabihii ay xukumada soo qabatay oo ay ka mid yihiin sidii amniga loo adkayn lahaa mamul wanaagana loo hagaajin lahaa.


Gaashaan,waxa uu sheegay inay harsan yihiin khudbado kala duwan oo ka hadlaya himilooyinkii la gaaray,wuxuna sheegay inay wanaagsan tahay sidii looga wada shaqayn lahaa.


Dastuurka Puntland Qododka 79-aad ee tilmaamaya mudada xilka uu madaxwayne Faroole iyo ku xigeenkiisa haynayo ayuu goobta kasoo jeediyay ,wuxuna sheegay inay sharci tahay mudada dowlada oo ah shan sano ,dastuurkana uu qoraya inuu ansax yahay.


Gaashaan ayaa tilmaamay inay wanaagsan tahay sidii looga wada shaqayn lahaa amniga iyo horumarka ka jira Dhulka Uduga Puntland,wuxuna hadal kiisa kusoo afmeeray gabay yar oo tilmaam ka bixinaya sida ay u wanaagsan tahay horumarka iyo jiritaanka amniga.


Xaaji Warsamea oo ka mid ah madax dhaqameedka Puntland ayaa goobta hadalka looga yeeray,wuxuna sheegay inay masuuliyadi shacabka iyo madaxda ka wada saaran tahay adkaynta amniga iyo adkaynta jiritaanka Puntland,wuxuna kula dardaarmay shacabka Puntland in la dhowrsado nabadgalyada.


Jiilka hada soo kacaya ayuu ugu baaqay inay ilaalshadaan calankooda iyo ciidooda,ayna ogsoonaadan in masuuliyiinta xilka haysa ay barito ka tagi karaan xilka.


Wariye Cabdiqani Cabdilaahi Cabdi oo ka mid ah suxufiyiinta sida tooska ah usoo tabinaya dhacdada ka muuqatada xarunta madaxtooyada Puntland ,ayaa sawir guud ka bixiyay qaabka loo fadhiyo madaxtooyada Puntland.


Run ahaantii waxa uu tilmaamay muuqaalka xafladu inay tahay mdi si wayn looga soo shaqeeyay,wuxuna sheegay madaxwaynaha Puntland iyo Golihiisa xukumada inay maal gaar ah fadhiyeen martida kale ay lee yihiin kasoo horjeesta masuuliyiinta dowlada.


Kooxda Fanaaniinta ee Waabari Puntland,ayaa goobta kusoo diyaarsaday qalabkii music iyo heeso loogu talo galay in lagu muujiyo waxqabadka mamulka uu hogaaminayo madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole.


Imika waxaa goobta hadalka looga yeeray Catoosh oo ka mid ah salaadiinta ugu caansan Puntland,wuxuna hadalkiisa ku bilaabay inay muhiim tahay ilaalinta iimaanka ayna bar ka tahay diinteeda islaamka ee aanu ku dhaqano.


Madaxda dowlada iyo dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb galay xaflada ka socota xarunta madaxtooyada Bosaos ,ayuu kula dardaarmay inay adkaysaan amaankooda iyo horumarka isbadalka leh ee ka socoto Puntland.


Wali waxaa hadlaya Nabadoon Catoosh wuxuna sheegay Puntland inay ku tilaamsatay horumar ballaaran oo aan lasoo koobi karin,wuxuna sheegay caafimaadka,waxbarashada,amniga iyo horumarka shacabka inay ka mid tahay waxyaabaha la taaban karo ee muuqdo.


Nabadoon Dhagcad oo ka mid ah Nabadoonada Gobalka Bari ayaa hada lagu soo dhaweeyay goobta hadalka wuxuna alle ka baryay nabadgalyada iyo horumarka ka jira Puntland inuu sii koriyo.


Marxaladihii Puntland ay soo martay laga soo bilaabo 1998-ayuu wax ka taabtay,wuxuna sheegay Talada Puntland inay iska lee yihiin shacabka,hadii ay burburtona Puntland ay guud ahaan saamayn ku yeelan doono qof kasta oo ku abtirsada magaca Puntland.


Nabadoon Dhagcad waxa uu ku baaqay cida wax tabanaysa inay soo gudbiyaan ayna muujiyaan waxyaabaha cabashada keentay,dhinaca kale waxqabadka afarta sano ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid loo riyaaqay.


Hadalkiisa waxa uu uga baxay Nabadoon Dhagcad "Illaahay ha nawada bad-baadsho intaasi ayaana hadal kayga kusoo afmeerayaa" Dhagcad.


Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid ayaa goobta hadalka looga yeeray,wuxuna dhamaan masuuliyiinta goobta fadhida ku salaamay salaanta islaamka,wuxuna sheegay inay aad ugu mahad celinayaan madaxda dowlada iyo qaabka ay waxqabadkooda usoo bandhigaan.


Rugta ganacsiga iyo marxalada ay soo martay ayuu ka war bixinayaa,Mudane Siciid wuxuna sheegay ganacsiga Puntland inuu yahay mid wanaagsan ,marka laga soo tago dhaqaalo xumida ka taagan Gobalka iyoguud ahaanba Soomaaliya.


Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha rugta ganacisga ,xukumada iyo ganacsatada inay ku heshiiyeen sidii looga wada qayb qaadan lahaa horumarinta iyo kobcinta dhaqalaha Puntland sida wada qabsiga arimaha ganacsiga oo lagu sheegay inay tahay tan kaliya ee lagu hormarin karo dhaqalaha wadanka.


Nidaamka axsaabta badan ee ka bilowday Gobalada Puntland ayuu ku amaanay madaxwyane Faroole iyo xukuumaduu hogaaminayo. wuxuna sheegay inay tahay arin loo wada baahan yahay kana qayb qaadanaya wada jirta shacabka Puntland.


Dajinta Dastuurka Puntland ee Soomaaliyeed ayuu wax lagu farxo oo lagu amaani karo xukumada Puntland ku tilmaamay .wuxuna dastuurkaasi sheegay inuu yahay kii ugu horeeyay oo soomaalida soo mara ,maadaama uu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka iyo kan dhaqanka Soomaalida.


Ugu danbayntii Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland ayuu sheegay sanadka cusub ee 2013-ka ay ku rajo wayn yihiin sidii loosii balaarin lahaa ganacisga Puntland,wuxuna taabtay inay muhiim tahay in la helo safiiro dhanka ganacsiga u qaabilsan Puntland in loosameeyo wadamada dariska la ah Soomaaliya.


Wajiga kowaad ee xaflada ayaa soo idlaatay,masuuliyintii goobta ku sugnaa waxay u dareereen salaada maqrib,waxana lagu rajo wayn yahay marka laga soo noqdo salaada in halkaasi laga sii wado wajiga labaad ee munaasibada lagu soo bandhigayo waxyaabaha u qabsoomay xukumada Puntland.

Waxaa hada si toos ah loo guda galay wajiga labaad ee xaflada lagu maamusayo waxqabadka xukumada ee sanooyinkii lasooo ,waxana goobta hadalka soo istaagay Nabadoon Caraale Siciid Careele oo ka mid ah Dubab dhaqameedka Puntland,wuxuna tilmaamay inay tahay wax lagu farxo waxyaabaha u qabsoomay xukumada Puntland.

Gudoomiyaha Haweenka Gobalka Bari Maryan gaduudo ayaa si toos ah u hadlaysay,waxayna qeexday inay taageero baahsan u hayaan waxqabadka dowlada iyo himilooyinka la gaaray.

Ka haween ahaan ayay sheegtay Maryan Gaduudo inay aad ula dhacsan yihiin qaabka loo hirgaliyay nidaamka dimoqraadiyada iyo ansixinta Dastuurka xukumada Puntland,siyaasiyiinta mucaaradka ah ayay ugu baaqday inay ka waantoobaan sida qaldan ee ay wax u doonayaan ayna usoo jeestaan wada jirta umada soomaaliyeed.


Maryan Gaduudo ,waxay sheegay haweenka inay kaalin mug leh ku lee yihiin horumarka ka muuqda Puntland,waxayna sheegtay amniga Puntland inuu dani ugu jiro shacabka."waxanu balan qaadaynaa hadii aanu nahay haweenka Puntland inaan ka shaqayno amniga".

Waxaa goobta hadalka looga yeeray Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka horumarka iyo cadaalada Mudane Cabdiqaadir Axmad Ducaale,wuxuna marka hore amaan iyo bogaadin usoo jeediyay xukumada Puntland oo ku guulaysatay inay hirgaliso nidaamka axsaabta badan.

In la samaysto ururada-siyaasada oo mucaarad wax horumarinaya la noqdo .ayuu ku sheegay inay tahay tan kaliya ee maanta loo yagleeyay nidaamka dimoqraadiyada,ururada kale ayuu ugu baaqay inay kor u qaadaan tilaabooyinka shacabka Puntland lagu hormarinayo.

Xiriiriyaha Xaflada ka socota xarunta madaxtooyada Puntland ee Bosaso,ayaa ku dhawaaqay in hada laga nasanayo dhankaasi iyo khudbadaha ,waxana hada loo leexday dhanka heesaha iyo gabayada tilmaamaya hanaanka dimoqraadiyada iyo wax-qabadka muuqda .

Hada waxaa hadlaya Abwaan Shube oo madaxa u ah kooxda Waabari Puntland,wuxuna goobta ka sheegay inay caawa usoo diyaariyeen munaasibada heeso wadaniya iyo guubaabo ka hadlaysa macaanka ay nabadu lee dahay ,waxanaa la daawanayaa heestii ugu  horaysay ee barnaamijka taasoo loogu magac daray Soomaali.

Wali waxaa dhagta loo taagayaa riwaayada iyo nuxurka hadalka ay soo jeedinayaan kooxda fanaaniinta ah ee Waabari Puntland,waxana aad loola dhacay qaabka ay hadalka iyo murtida iskugu xirayaan.

Kooxda Waabari Puntland ayaa soo bandhigay murti aaad usoo jeedatay madaxda meesha fadhida,waxayna diirada saarayeen hanaanka dimoqraadiyada,nabadgalyada Gobalada Puntland iyo sida wada jirka danta shacabka looga shaqayn karo.

Hogaamiyaha kooxda Waabari Puntland Abwaan Shube ayaa sheegay inay intaasi uga dhamaaday murtidii ay ugu talo galleen xaflada soo bandhigista waxqabadka xukumada Faroole.

Hadana waxaa goobta hadalka si wayn loogu soo dhaweeyay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo gacan qaaday madaxwaynaha Puntland,wuxuna dhabo galay hadalka uu xaflada ugu talo galay.

Dhinaca kale wax lagu farxo dal iyo dibad ayuu ku tilmaamay Ugaas Xasan inay ka muuqato Gobalada Puntland,wuxuna ka war bixinayaa safarkii ay ku tageen ka isimo ahaan magalada muqdisho oo ay kusoo ansixiyeen dastuurka iyo soo xulista baarlamaanka Soomaaliya.

Ugaas Xasan waxa uu si qota dheer uga hadlay amaanka iyo hanaanka guud ahaanba ka jira Soomaaliya,wuxuna sheegay Puntland meel soomaaliya ka fiican inaysan jirin sidaasi owgeedna loo baahan yahay in nabadgalyada la sugto xukumadana lagu taageero howsha ay hayso.

Ganacsatada Puntland ayuu ku baraarujiyay dhaqaalo xumida soomaaliya oo dhan inay ka jirto basle,loo baahan yahay in la isku tashdo oo wax saa saarka dalka laga wada qaybqaato,Dekada Bosaso ayuu ku tilmaamay inay mar kaligeed dalka soomaaliya oo dhan ka shaqayso marna aanba waxba laga so dajisan.


Ugaas xasan oo ka mid ah isimada ugu miisaanka culus ayaa ugu danbayntii hadalkiisa kusoo gabo gabeyay in nabada laga wada shaqeeyo oo la ogaado in amniga la nool yahay.

Hadana waxa goobta hadalka looga yeeray Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo ah afhayeenka isimada Puntland,garaadka waxa uu aad usoo dhaweeyay waxqabadka ay xukumada Puntland caawa bosaso kusoo bandhigtay.

Wuxuna sheegay caawa inuu dareel hadlayo falanqayna ku samayn doono marxalada kala gadisay ee Puntland ay ku sugan tahay.

Garaadka waxa uu ka hadlay Sanadka xukumada Puntland u harsan wuxuna sheegay inuu yahay sanadkaasi mid ansax ayna soo dhawaynayaan ka oday ahaan,wuxuna dhinaca kale ka hadlay sanadkaasi marka uu dhamaado in la galo doorasho.

Nidaamka axsaabta badan ayuu wax lagu farxo iyo guul taariikh ah ku tilmaamay ,Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday aasaska Puntland iyo sida ay hada wax badalka uga hagagsan yihiin shacabka iyo xukuumadooda.


Garaad Cabdilaahi Cali Ciid waxa uu si aad ah ugu dheeraaday nabadgalyada iyo hanaanka axsaabta badan ee puntland ka jira,wuxuna dhalinyarada ku booriyay inay kaalintooda muujiyaan kana qayb qaataan sidii hormarka looga shaqayn lahaa.

Hadana waxaa hadalka qaatay Beeldaaje Cali Faarax oo ka mid ah Isimada sida aadka ah ula socda xaalada Soomaaliya,wuxuna ka war bixinayaa xaaladii ay ku sugnaayeen ka hor jiritaanka Puntalnd ,wuxuna sheegay amniga ka jira Puntland inaan la isaga ciyaarin oo mar kasta nabadgalyada lagu dhaganaado.

Dhinaca kale waxaa goobta hadalka si lama filaan ah looga yeeray Beeldaaji Cismaan Beeldaaje,wuxuna muhiimad gaar ah siiyay amaanka Puntland,wuxuna tusaale ahaan usoo qaatay qisadii nabi Ibraahiim ee ku aadanayn amniga.  amniga Puntland ayuu sheegay inay masuuliyad ka wada saran yahay.

Waxaa halkaasi lagu soo afjaray hadalada iyo dardaaranka Isimada iyo waxgaradka Puntland,waxana la gudo galay daawashada muuqala laga soo diyaariyay waxyaabaha ka qabsoomay dhanka dimoqraadiyada ,ansixinta Dastuurka,soo dhawaynta wafuuda caalamiga ah hirgalinta iyo taabo galinta kaabayaasha arimaha bulshada.

Wali madaxda xaflada ku sugan waxay daawanayaan muuqaalkii lagu soo gudbiyay waxyaabihii qabsoomay,.waxana ka dhex muuqday ansixinta Dastuurka iyo hirgalinta nidaamka iyo marxaladaha ururada siyaasada,taaso hada guusheeda gacanta lagu hayo.

Waxaa lagu wadaa madaxwaynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Faroole inuu khudbad geesyo badan taabanaysa uu kasoo jeediya madasha xaflada.

Waxaa hadalka loo dhiibay Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan wuxuna wax ka taabtay amniga iyo kala danbaynta ka jirta,wuxuna shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii loo sugi lahaa garabna loo siin lahaa laamaha amniga.


Amniga Puntland ayuu ku tilmamayay wasiirka amniga inuu yahay mid la isku halayn karo.

Wasiirka amniga Puntland,waxa uu cod baahiyaha kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Xareed,mudane Xareed ayaa dhankiisa faah faahin buuxda ka bixiyya waxyaabaha qabsoomay .

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland waxa uu wax badan ka taabtay dhanka hirgalinta dastuurka iyo sharciga xukumada u yaalana,wuxuna sheegay waxqabadka dowlada inaan lasoo koobi karin.


Ugu danbayntii Madaxwaynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa lagu soo dhaweeyay cod baahiya,si uu khudbadii waxqabadkiisa goobta uga dhawaaqi lahaa.

Arimaha uu bilowga khudbadiisa ku bilaabay waxay tahay amniga,la-dagalanka argagaxisa,ciribtirka burcad badeedka iyo adkaynta horumarka Puntland.

Arimaha siyaasada Puntland ay la wadeegto Soomaaliya inteeda kale ayuu ka hadlay iyo shirarkii ka dhacay Garowe iyo Gaalkacyo.

Sanadkii 2009-ka ayuu wax badan ka taabtay waxyaabihii u hirgay oo dagaal xogani la galleen kooxaha kasoo horjeda Puntland.

2010-ka ayuu sheegay xukumada Puntland inay xooga saartay sidii guul wayn looga gaari lahaa kooxda shababka ah ee ku dhuumaalaysanaya Buuraha Galgala ,wuxuna sheegay aakhirkii inay guul mug wayn ka gaareen sidii loosoo afjari lahaa.


2011-ayuu ku tilmaamay inay ku mashquulsanaayeen sidii loo hagaajin lahaa dhaqaalaha Puntland iyo kobcinta kaabayaasha arimaha bulshada,.wuxuna sheegay sidoo kale Dr.Faroole inay si wayn uga wada xaajoodaan xukumada fadaraalka Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidi xalada soomaliya dib loosoo celin lahaa.

Shirarkii Garowe iyo Gaalkacyo ka dhacay uu soo hadal qaaday,kuna tilmaamay Puntland inay dhabarka waagaasi u dhigatay howl baaxad leh


2012-ayuu Madaxwayne Faroole sheegay inay xooga saareen sidii mar qura looga gudbi lahaa marxalada qabiilka oo lagu soo shaqaynayay mudo 14-sano ah,wuxuna sheegay inay hirgalleen nidaamka dimoqraadiyada ee axsabta siyaasada ku dhisan.

Habaynta wadadii loo mari lahaa nidaamka ururada siyaasada ayuu faah faahiyay inay si wayn ugu guulaysteen meel marinta howshaasi.


Dr.Faroole Sanadkaasi 2012-ka ayuu bil bil u kala dhigay waxyaabihii dhanka dimoqraadiyada uga qabsoomay.wuxuna gudiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee Puntland ku amaanay sida wanaagsan oo ay ugu hagar baxeen in barnaamijkaasi uu si toos ah u shaqeeyo.

Sanadka Cusub ee 2013-ka iyo howsha baaxada leh ayuu tilmaamay inay u baahan tahay ka fiirsasho ballaaran ,maadaama labada bishaan la gudo gali dooni wajiga 3-aad ee doorashooyinka gollahayaasha deegaanka Puntland.


Waxyaabihii ka qabsoomay Dhanka,waxbarashada,caafimaadka iyo arimaha bulshada ayuu wax yar ka jaleecay.

Arimaha dowlada fadaraalka Soomaaliya iyo dhamaystirka Dastuurka Soomaaliya ayuu ka hadlay,wuxuna sidoo kale taabtsay awood qaybsiga soomaaliya iyo sida loo maaraynayo xalada dhaqaale ee hada taagan.

Dhanka mamul u samaynta Jubaland ayuu taageeray in loo madax banaaneeyo.

Hadal dhawaan kasoo yeeray baarlamaanka Soomaaliya oo sheegayay in wax laga badalo Dastuurka Soomaaliya ayuu kasoo horjeestay Faroole.

Madaxwayne Faroole, alle subxaana waxa uu ka baryay sanadkaan inuu ku dhameeyo nidaamka ururada axsaabta  badan ee Puntland ka hana qaaday,wuxuna sheegay inuu jecel yahay inta uusan kursiga ka dagin inuu arko nidaamkaasi oo hirgalay.

Dhaqaalo xumida ka taagan Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya ayuu ka hadlay,wuxuna sheegay dhaqaalo xumida ka taagan Puntland inay salka ku hayso yaraanta lacagta shilinka Soomaaliga ah iyo deeqaha caalamiga ah oo kusoo badanayay Puntland labdii sano ee lasoo dhaafay.

Iskaashi dhanka ganacsiga ah ayuu sheegay madaxwaynaha Puntland inay la samayn doonan dowlada Itoobiya ,taasna ay qayb ka tahay sida loo hormarinayo dhaqalaha dalka.

Mashaariic badan oo dhismayaal u badan uu sheegay inay sanadkaan ka bilabeen Puntland,hagaajinta Dekada magalada Bosaso ayuu sheegay inay ku guulaysteen.

Dhanka dhismaha garoomada diyaaraha ayuu sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo dayactiri lahaa ,waxana lagu dhisayaa wada qabsiga dhaqalaha kaasoo la yiraahdo PPP.

Madaxwaynaha Puntland waxa uu sheegay dhaqaalaha Puntland uu ku tiirsan yahay xoolaha kala duwan ee nool,wuxuna sheegay inay jirmo masiibo baahsan oo lagu hayo dhirtii ay daaqi jireen xoolaha.

Wuxuna sheegay isbadal inay ku hayaan dhaqalaha Puntland iyo qaabkii loo heli lahaa wado toosan.

Dr.Faroole oo khudbada uu jeedinayo ay daqiiqado badan socoto,ayaa waxa uu geesta kale ka hadlay dhanka shidaal qodista ee dooxada dharoor,wuxuna sheegay labada ceel ee shidaalka laga baarayay mid kood inuu yahay mid maran balse dib loogu soo noqon doono.

Dhanka warbaahinta ayuu ka hadlay,wuxuna sheegay Puntland inay  tahay goobta kaliya ee ay ku hurumarsan tahay dhanka idaacadaha ,basle ay jiraan tv-yo kasoo horjeeda jiritaanka iyo horumarka Puntland.

Idaacadaha caalamiga ah qaarkood ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo war-xumo tarshiil ah oo buun buunia xumaanta iyo dhaliilaha.

Dr.Faroole Dhalinyarada Puntland ayuu ku booriyay inay kaalintooda sii xoojiyaan kana qayb qaataan waaqiciga ka jira Gobalada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayuu ka hadlay oo ay ka mid yihiin Cabdilaahi Siciid Samatar iyo Gablax lana hadlay Idaacada argagaxisada ee shababku lee yihiin ,wuxuna sheegay inay ka mid yihiin dad aan waxba ka rabin horumarka iyo amniga Puntland.

"Mucaarad waxanu u dhaqaanaa xisbiyadaasi ururada siyaasada"

Haweenkii kasoo qayb galay xaflada ayuu madaxwayne Faroole amaan usoo jeediyay,wuxuna sheegay hadiiba ay dhibaato dhacdo inay ugu nugul yihiin haweenka basle alle nagu keenaa.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ugu danbayntii waxa uu amaan iyo bogaadin usoo jeediyay ciidanka amniga Puntland wuxuna sheegay inay har iyo habeenka ku joogaan ilaalintooda,wuxuna sheegay in loo baahan yahay ka wada shaqaynta xasiloonida Puntland iyo masiirka shacabka.


Madaxwaynaha Puntland waxa uu ugu danbayntii ku dhawaaqay inay xafladii halkaasi ku xiran tahay ,ayna ku farax san yihiin qaabka ay usoo idlaatay.

Saaxiibada ku xiran warbaahinta Dunidaonline ,waxan caawa halkaasi kusoo gabo gabaynaynaa la socodka xafladii ka socotay magalada Bosaso ,dabcana lagu soo bandhigayay waxqabadka xukumada intii ay jirtay.

Waa Cali Cabdicasiis Ducaale Fantastic kuna sugan magalada Caasumada ah ee Garoowe oo idin leh sidaasi iyo nabad galyo.

Goordhow naga fisha Sawirada xaflada iyo khuudbada madaxwayne Faroole oo dhagaysi ah.







COMMENTS
08.01.2013abdinur

mashaa allaah

allaah ayaa mahad iska leh iyo ma suuliyiinta heer kaas soo gaarsiiyey wadan keena qaaliga ah allaah waxaan uga rajaynayaa in uu la qabto inta u dhiman ,waxaana aamin sanahay raga mucaradka isku sheegaya ee saxaafada propaganda ka kicinaya in aysan puntland waxba u soo wadin allaah na wanaaga ha tuso, mashaa allaah tabaraka llaah madaxda puntland.

xasan

mashalaa xafladawaxqabadka dawlada waguul iyohurumar dunida online hanbalyo

Ilove PL

Madaxwayne walle wax fiican ayaad dadkaaga Puntland u qabatay,,maasha allaah allow Puntland balaayaha ka xun ka jeedi
08.01.2013Fahiima

Badhan

Salaan bahda Dunidaonline
waa run faroole iyo Cabdisamad Cali shire waxay guul u tahay markay Somali diidka ka xoreeyaan Laascaanoood

Buuhodle

Warta wax laga naxo weeye in Faroole firdhiye uu ku faano waxbaan qabtay waa jaahilnimo fol xun oo laga gabado

War haduu ni rag ah yahay Somaliland haka xoreeyo Sool iyo Qaybo ka mid ah Sanaag

Bootoole iyo ciise maxamuud yaa naga dhacsha

Garowe

Waa arin ku dayasho mudan ,waxyaabaha uu qabtay madaxwayne Faroole runtii mucaarad gaalkacyo iyo Qardho haka qay qayliyeen


Ha idin ku taagnaato hee Samatar iyo Gablax burcad badeed

Galkacyo

Waa guul arinka ka socda Puntland

Midbaase Faroole kula dardaarmayaa shacabka iyo suxufiyiinta ha caburin ee soo dhawayso.

Dunidaonline.na way ku mahad san tahay qabka ay wax noogu soo tabinayso
08.01.2013Fuudama Cali

Galkacyo

Warbaahinta Dunidaonlie waxan ku tilmaami karaa inuu yahay wadani dhab ah jecelka horumarka iyo jiritaanka Puntland.


Fadlan waxan caawa idin ka codsanayaa inaad noosoo bandhigtaan muuqaalka xaflada ka socota Bosaso oo dowlada ay kusoo bandhigayso waxyaabihii u qabsoomay
08.01.2013Nasiib in Kenya

Viva Puntland

Ma ahan in laga indho qarsado horumarka iyo cadaalada uu gaarsiiyay madaxwaye Faroole shacabka Puntland,war waa midoo yaa yaqaanay faroole ka horow Puntland,runta yaan la iska qarin faroole haa wax badan way u dhiman yihiin basle madaxwayne wax qabtay oo soomaali inteeda kale cadka puntland kasoo celiyay weeye,

Fadlan Hal sano haduui ku darsaday yaan nabada iyo jiritaanka Puntland loo xumayn runta waxa weeye faroole wuu madax adag yahay basle waa halyay wax noo qabtay dee
08.01.2013Saamiya London

Masha allaah Puntland

masha allaah walaahi waa wax lagu farxo qaabka ay xaflada uga socoto magalada Bosaso run ahaantii hadii aanu nahay soomaaliyda dalka ingiriiska gaar ahaan Puntland kasoo jeeda,waxanu gaarnay heer aysan waliged gaarin koonfurta iyo waqooyiga soomaaliya


Madaxwayne Faroole iyo xukuumadiisa waxaanu lee haya ilma adeerayaalow howsha halkaasi kasii wada,oo yaan loo dhag taagin mucaarad si qaldan wax u doonaya

Walahi waan ku farxaa markan arko horumarka Puntalnd
POST A COMMENT
Captcha

[top]