News
21.01.2013 comments (2)

Wefdi ka socda gobolada Jubooyinka & Waqooyi Bari Kenya oo soo gaaray magaalada Garowe [Maqal&Sawiro]

Waxaa maanta si hufan duleedka koonfureed ee magalada Garowe lagu soo dhaweeyay wafdi ka kala socda Gobalada Jubooyinka iyo magalada Gaarisa oo ah xarunta Gobalka Waqooyi bari ee Kenya.


Masuuliyaantaani Garowe soo gaaray oo kala ah Gudoomiyaha Magalada Gaarisa Ismaaciil Maxamad Garay ,iyo Gudoomiyaha Gobalada Jubooyinka iyo Gedo Shiikh Khaliif Guure Cali,ayaa waxaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb qaaday mamulka Gobalka Kan degmada,masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan,bahda haweenka iyo dhalinyaro,waxaana loosoo galbiyay hotelka Rugsan.


Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab oo saxaafada la hadlay ayaa ka war bixiyay imaatinta masuuliyaan Jubooyinka iyo Gaarisa ka socda,wuxuna sheegay mida kowaad ee wafida inay tahay sidii looga wada shaqayn lahaa mataanayna Magaalooyinka Garoowe iyo Gaarisada taasoo qayb ka ah dadaalada lagu doonaya sidii xiriir wada shaqayneed uga dhex bilaaban lahaa Puntland iyo Waqooyi bari kenya.


Arinta kale uu ka dhawaajiyay Qarjab ee ay wafida u yimaadeen ayaa waxay salka ku haysaa sidii la isku dhaafsan lahaa afkaarta ku aadan mamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo howshoodu socoto.wuxuna sheegay Puntland inay kaalin ku lee dahay sidii looga shaqayn dhisida mamulka Jubaland.


Gudoomiyaha Jubooyinka iyo Gedo Shiikh Khaliif Guure Cali oo dhankiisa warbaahinta la hadlayay ayaa aad ugu amaanay mamulka Gobalka Nugaal qaabka wanaagsan oo ay soo dhawaynta ugu muujiyeen,wuxuna tilmaamay ujeedka Garowe u yimi inay tahay sidii loo heli lahaa talooyinka Puntland ee Jubooyinka.


Sidoo kale Gudoomiyaha magalada Gaarisa ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii loo midayn lahaa loogana wada shaqayn lahaa horumarka Gaarisa iyo Garoowe,calaamad harseedi karta is dhexgal bulsho ayuu sidoo kale Garay ku tilmaamay arintaasi.


Waa markii ugu horaysay oo ay booqasho rasmi ah Puntland ku yimaadaan masuuliyiin ka socda Jubooyinka iyo Gobalka Waqooyi bari Kenya, waxaysa tani usoo Gogal xaaraysaa sidii loo heli lahaa wada shaqayn dhab ah oo ka aslaxda dalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhegayso






































Dunidaonline.com
Xafiiska Garoowe



COMMENTS
22.01.2013faaiido

mashaa aaallaah

mashaa allaah moryaanta way nixi doonaan viiva puntland viiva jubaland viiva reer gaarisa .jigjiga mashaa allaah ,
22.01.2013Abdirisak Gama'diid

Waa tallaabo walaalaha Puntland, Gaarissa iyo Jubooyinka hore u qaadeen.

Aad baan ugu faraxsanahay in waftida uu korkacahayyo Sheekh Khaliif Guure ay soo gaadhaan Garoowe.

Reer Puntland iyyagana inay Kismaayo iyo Gaarissa tagaan ayyaan soo dhawaynayaa. Jijiga way tageene reer Puntland. Oo xiriirku joogto ahaado.
POST A COMMENT
Captcha

[top]