Shirdoon oo aan waligiis seexan magalada Garowe,ayaa caawa ku hoyana aqal loo diyaariyay,waxayna noqonaysaa arin taariikhdiisa gali doonto.
Ammaanka Caasumadda Puntland ayaa caawa la adkeeyay,waxana wadooyinka qaarkood ku arkaysaa ciidan indho dheer u leh,dhaq-dhaqaaqyada gaadiidka iyo dadka.
Arinta ugu wayn ee Puntland laga hadal hayona,waxay tahay imaatinta Raysilwasaare Saacid ee Garowe,sababta ka danbaysa inuu yimaadana ayaa lagu tilmaamay sidii looga wada hadli lahaa arimaha fadaraalka oo u muuqata inuu diidan yahay madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.
Dhinaca madaxwaynaha Puntland ,waxaa kasoo baxaya warar hoose oo sheegaya inuu Dr,Faroole ku dhagan yahay inaan waxba laga badalin nidaamka fadaraalka oo lagu heshiiyay,ayna horay marar badan Puntland ku dhawaaqdan in lagu dhaqmo dastuurka dalka.
Xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib u eegis ku samaynaya dastuurka qabyadda ah,taasoo dad badan ay u arkeen inay iska horkeenayso dhinacyadda Soomaalida.
Sawiro














Dunidaonline.com
Xafiiska Muqdisho

[email this article]
[print this article]










