Ujeedkan kulankaan ayaa salka ku hayay, sidii uu Saacid warbixin guud uga siin lahaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland, maadama ay masuul ka yihiin shacabka Reer Puntland, waxana khudbada Shirdoon laga dareemayay sida uu ugu rajo wayn yahay, hirgalinta Puntland mashaariicyo horumarineed.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole oo marka hore khudbad dhinacyo badan taabanaysa soo jeediyay ayaa ku dheeraaday waxyaabihii xukuumadiisa u qabsoomay afartii sano ee lasoo dhaafay,iyo sida ay Puntland ugu rajo wayn tahay midnimadda Somaliweyn,arimaha ugu muga wayn ee Faroole sheegayna waxaa ka mid ah,hirgalinta nidaamka dumoqraadiyadda,qabashada shirarkii dib u heshiisiinta dhinacyadda Soomaaliya iyo ka bixitaanka waqtiga ku meelgaarka ah ee dowlada Soomaaliya ay ku jirtay.
Ra'isulwasaare Saacid ayaa sidoo kale khudbad taariikhi ah baarlamaanka Puntland usoo jeediyay,wuxuna ka dhawaajiyay wanaagsa iyo karaamadda ay xukuumadiisa u haysa shacbaka Puntland iyo madaxdooda,wuxuna tusaale uga dhigay siday u jecel yihiin Somaliweyn iyo in laga wada shaqeeyo horumarka dalka,wuxuna sidoo kale ka war bixiyay halka ay marayso xaalada Soomaaliya ,cunaqabaynta hubka,arimaha mamulka Jubbaland iyo nidaamka fadaraalka.
Shirdoon ayaa sheegay xukumada Soomaaliya inay ku hanwayn tahay sidii loo dhisi lahaa mamulka Jubbaland,ayna kasoo horjeedin,balse loo baahan yahay buu yiri in si nimaad iyo kala danbayn ah lagu dhiso mamulka,wuxuna goobta ka cadeeyay inuu jecel yahay in dalka uu ka dhaqan galo nidaamka fadaraalka uu qorayo dastuurka qaybyada,isla markasna uu yahay fadaraalka lama taabtaan.
Waxa uu xukumada Puntland iyo shacabkoda ku ammaanay qaabka wanaagsan oo ay Gobaladooda u dhisteen,ugana shaqeeyaan nabadgalyada iyo kala danbaynta.
Raysilwasaraha Soomaaliya iyo masuuliyiintii uu hogaaminayay ayaa kormeen kusoo sameeyay xarumaha cusub ee dowlad iyo qaar ka mid ah kuwa hada lagu shaqeeyo,wuxuna aad ula yaabay qaabka quruxda badan oo loo dhisay dhismaha cusub ee dowlada ay yeelan doonto.
Dhegayso
Sawiro
























Dunidaonline.com
Xafiiska Garowe

[email this article]
[print this article]










