News
Beledwenye

Beledwenye

Sarkaal ka tirsanaa Hey’adda WFP oo goordhow lagu dilay magaalada Baladweyne

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan waxaa halkaasi goor dhow lagu dilay Sarkaal hore uga tirsanaa maamulkii Sheekh  C/raxmaan Maxamed Mocow oo xili hore taageeray Dowladd KMG ah, hase yeeshee markii dambe ka baxay Dowladda.

 
Sarkaalka la sheegay in la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Afweyne Alle ha u naxarisitee, waxaana la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo aan la garanayn kuwaasoo markii dilka fuliyeen ka baxsaday goobtii ay ku toogteen sarkaalkaasi.


Xiliga sarkaalkaasi la dilaayay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa gudaha maqaayad uu wax ka cunayay sarkaalkaasi la dilay, wuxuuna sarkaalkaasi la dilay la sheegay in hada uu la shaqeynaayay Hay'ada WFP xarunteeda Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, wuxuuna ahaa madaxa ilaalada Hay'adaasi.

 
Waxaa la sheegayaa in meydka Marxuumkaasi ayaa la dhigay isbitaalka Magaalada Baladweyne, mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen ilaa iyo  iminka maamulada Xisbul islaam iyo Al-shabaab oo labaduba magaaalada ku wada sugan.

 
Dhanka kale arrintaan ayaa ku soo aadaysa xili Taliyaha Xisbul islaam ee Baladweyne uu dhawaan soo saaray amar ahaa in hay'adaha dadka u shaqeeya aysan qaadan karin wax hub ah, ayna iyagu sigayaan ammaankooda.



Kala soco dunidaonline warar xaqiiqa ah

 

 


COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]