News
Garoowe

Garoowe

Booliska Garoowe oo qabtay nin Qawlaysata ah oo xiran dharka Dumarka

Ciidamada Booliska magaalada Garowe ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ay ka soo qabteen Gudaha magaalada Garowe nin indha shareerka dumarka ku qaraabanaya iyo waliba dharka dumarka, oo aan horay looga baran



ciidanka ayaa waxaa ay keenen Saldhiga booliska Garowe waxaana ay u soo bandhigeen Saxaafaada si loo tuso dadka waxaa ka muuqday ninkaan qalab aad u badan oo ay ka mid ahayeen Mobleka  gacanta lagu qaaro ugu yaraan 10 xabo oo lagu soo qabtay, kadibna waxaa Goobta lagu soo xiray isa soo dhoobiyay dad aad u badan oo horay uga cananayey ninkaan xitaa nabaro gaarsiiyay



Saraakiisha  Amaanka ayaa kadib faahfahin ka bixiyay waxaana ay sheegeen in ninkaani uu  ka yimid Ciidamada Faderaalka soomaaliya ee Koonfurta isla markaasna uu mudo sanad ah arimahan ku shaqaysamayey sida uu warbixinta ku bixiyay Ninkaani.



waxaa ay intaasi raaciyeen sarakiishu in ay horgaynayaan Sharciga lana xukumi doono waana markii ugu horaysay ee Nin caynkaan oo kale ah ay booliskuqabtaan.



Kala soco dunidaonline warar xaqiiqa ah

COMMENTS
no comments available
POST A COMMENT
Captcha

[top]